Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn cirka lagu dilay Mahmoud Abdi Hamud, oo loo yaqaanay Jaafar Gurey, kaasoo ka mid ahaa aasaasayaashii ugu horreeyay ee kooxda Al-Shabaab.
Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana lagu beegsaday xarun ay kooxda ku lahayd halkaas.
Afar sano kadib markii Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay ku ballanqaadday shirkii guud ee Qaramada Midoobay in ay xaqiijin doonto sinnaanta jinsiga ee Tanzania, intee le’eg ayuu dalka horumar ka sameeyay doorka haweenka ee hoggaanka guud?
Kenya waxay soo dhawaysay markii ugu horeysay tan iyo 2023-dii, koobka horyaalka Ingiriiska oo meelo kala duwan oo caalamka ah la geeyey.. udabaal-degida dib ubilaabashada xili-ciyaareedka 2025/26 awgeed.
Madaxweynaha Kenya, Wiliam Ruto oo madaxtooyada kusoo dhaweeyey koobka, waxa uu sheegay, inuu yahay taageero ku faanaya Arsenal waxana uu yiri “labaatankii sano ee la soo dhaafay waynu qirsanahay inaysan xaaladu noo sahlanayn, hadase haddii aad daaawato Arsenal waxa ku muqanaysa inay soo laabatay qaabkii iyo qabkii kooxda”.
Waxana uu sheegay isaga oo dhoola caddaynaya waan la tacaadufayaa Man United, isaga oo u duur-xulaya xaaladda kooxdu ku jirto.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay, in soo dhawaynta koobka Premier Leagu-gu uu qayb-ka yahay kor u qaadidda kubadda Kenya iyo ku dhiirigelinta jiilasha cusub ee dalku inay hiigsadaan masraxyada caalamiga ah.
Waxa isagana madasha soo dhawaynta koobka joogay oo qayb ka ahaa McDonal...
Dhakhaatiir ka tirsan Isbitaalka Qaranka Kenyatta (KNH) ee Nairobi ayaa sameeyay qalliinkan oo taariikhi ah, caalami ahaanna waa lagu bogaadiyay, kaddib markii ay si guul leh usoo afmeereen qalliinkan gabadhaanb oo la ildaranayd xanuunka loo yaqaan gigantomastia. Khubaradu waxay ku tilmaameen in “qalliinkaan uu ahaa kii ugu ballaarnaa ee noociisa ah ee la diiwaangeliyo”.
Axmed Maxamuud Canshuur oo ah aabaha qoyskii dhowaan lagu laayay Gobolka Galgaduud, gaar ahaan seddex gabdhood oo uu dhalay iyo hooyadood ayaa BBC-da u sheegay in uu kasoo hor jeedo isla markaasina aanu qaadaneyn xukun ay dhawaan ridday maxkamadda gobolka Galgaduud kaas oo la xiriira rag loo soo qabtay dembigaas, isagoo sheegay in sida xukunka loo riday uu madmadow ku jiray.
Maxkamadda Gobolka Galgaduud oo xukunka soo saartay ayaa sheegtay in aan la helin caddeymo dhab ah oo muujinaya in eedeysanayaasha ay geeysteen dembigaas waxaana ay dhanka kale ku xukuntay eedeeysanayaasha kala ah, Cabdi Cismaan iyo Gallad Axmed Xuseen tacsiir shan sano xabsi ah, halka Ayuub Maxamed Cabdi lagu xukumay saddex sano.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka maxkamadda ay u furantahay Racfaan muddo soddon maalmood ah.
Mid ka mid ah Soomaali la qorsheeyay in laga musaafuriyo dalka Sweden loona celiyo Soomaaliya, balse safarkooda dib loo dhigay ayaa BBC la hadlay isaga oo ku sugan xarun lagu hayo dadkaas oo ku taalla Sweden. Wuxuuna jeediyay eedeymo iyo sheegashooyin aanu la wadaagnay dowladda Soomaaliya.
Idaacad ka howlgasha Sweden ayaa shaacisay baaritaan sheegaya in uu jiray heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo la sheegay in la isku afgartay in tarxiil muwaadiniin Soomaali ah lagu bedesho lacago gargaar ah. Dowladda Soomaaliya ayaa diiday eedeymahaas, balse dood iyo shaki badan ayaa ka dhashay.
Mid ka mid ah Soomaali la qorsheeyay in laga musaafuriyo dalka Sweden loona celiyo Soomaaliya, balse safarkooda dib loo dhigay ayaa BBC la hadlay isaga oo ku sugan xarun lagu hayo dadkaas oo ku taalla Sweden.
Booqashadii BBC ee Lughaya: Magaalo warkeedu warbaahinta ku batay gaar ahaan wixii ka danbeeyey is-afgaradkii muranka dhaliyey ee Somaliland iyo Itoobbiya dhexmaray horraantii sanadkii hore.
Waxaa muuqaalkan idinla wadaagaya wariyaha BBC ee Cabdiraxmaan Dhinbiil oo dhawaan halkaas booqday.
250 maxbuus iyo in ka badan 1,700 qof oo sharci-darro ku xidhnaa ayaa la sii daayay, taas beddelkeedana waxaa la dhaafsaday maxaabiis Israa’iili ah.
Kooxdii ugu horreysay ee la soo daayo ayaa shalay gaaray deegaanka Ramallah ee ka tirsan dhulka la haysto, xilli la ajiibay heshiis xabbad-joojin ah oo uu garwadeen ka ahaa Maraykanka.
Muuqaal dhowaan lagu baahiyay barta Aqalka Cad ku leeyahay TikTok ayaa waxaa la dul saaray hees Soomaali ah, tani waxay si weyn falcelin ugu abuurtay baraha bulshada iyadoo dadku is weydiinayeen sababta Aqalka Cad u adeegsaday heestan Soomaaliga ah.
Heestan waxaa la yiraahdaa ''Gorof" waana hees ay muddo dhowr iyo soddon sano ka hor qaadday fannaanadda Sahra Abuukar (Sahra Dawo) oo ka tirsanayd kooxdii Durdur ee Soomaaliya, haatanna deggan Mareykanka.
Fannaanadda oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho heestan.
Dad badan ayaa siyaabo kala duwan u micneeyay sababta uu Aqalka Cad usoo qaatay heestan, balse Cumar Cali Xasan (Seerbiya) oo uruuriya xogta fanka iyo fannaanka isla markaana buug ka qoray ayaa BBC u sheegay in loo aaneyn karo dhowr sababood.
Waa Abu, Kayum iyo Zak, oo sidoo kale loo yaqaan @kidsofthecolony, waxaana safarkoodu yahay mid ay ku booqanayaan dhulalkii awoowayaashood ee ay asal ahaan ka soo jeedaan. Waalidiinta Abu waxay ka soo jeedaan jamhuuriyadda gooni isu-taaga ee Somaliland, waxay wiilashu muuqaalkan kusoo gudbin doonaan nolol maalmeedka dadka deegaanka.
Indho la’aanta waa xaalad caafimaad oo saameysa malaayiin qof dunida oo dhan. Laakiin maxay yihiin cudurrada ugu badan ee sababa?
Dr. Cabdisamad Xasan Haye, Agaasimaha isbitaalka Mustaqbal, ayaa sharaxaya cudurrada ugu halista badan ee saameeya aragga, sida sonkorowga (diabetes), cadaadiska dhiigga ee indhaha (glaucoma), iyo dhaawacyada kale ee sababi kara indho la’aan.
Dr. Cabdisamad wuxuu sidoo kale ka hadlay sida dadka looga wacyigelin karo daryeelka indhaha iyo muhiimadda baaritaanka joogtada ah.