BBC News Somali
TOOS: Idaacadda Subaxnimo
- Title
- TOOS: Idaacadda Subaxnimo
- Runtime
- 20:51
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- TOOS: Idaacadda Subaxnimo
- Title
- Muxuu sharciga cusub ee “Barakacayaasha Gudaha” ka tari doonaa xaaladda dadka gudaha ku barakacay?
- Runtime
- 4:23
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga cusub ee la magac baxay “Sharciga Barakacayaasha Gudaha” kaas oo noqon doona kii ugu horreeyay ee ay yeelato Soomaaliya oo ilaalinaya xuquuqda dadka gudaha ku barakacay.
Dadka gudaha ku barakacay ayaa lagu qiyaasaa in tiradoodu kor u dhaafayso sedex milyan oo qof.
Sharcigan waxa horey u ansixiyay labada aqal ee uu ka kooban yahay Baralamaanka Soomaaliya.
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 1:00:14
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- Maxaa laga filayaa shirka Kismaayo?
- Runtime
- 1:32
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Warrarka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta kmg ah ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen siyaasiyiinta mucaaradka ee ku jira Madasha Samatabixinta iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani.
Siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa yeelan doona kulan ay kaga arinsanayaan sidii ay u mideyn lahaayeen mowqifkooda ku aadan qaabka loo wajahayo doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya sannadka 2026.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa eegaya kulankaas iyo waxyaabaha ay suurtogal tahay in lagu soo qaado.
- Title
- Ra'iisul Wasaaraha Australia oo isbitaalka ku booqday Axmed, halyeeygii muslimka ahaa.
- Runtime
- 0:35
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Ra'iisul Wasaaraha Australia oo isbitaalka ku booqday Axmed, halyeeygii muslimka ahaa.
- Title
- TOOS: Idaacadda Subaxnimo
- Runtime
- 25:42
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- TOOS: Idaacadda Subaxnimo - Nimaan Osman
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 59:57
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- Soomaali u ololeeyay Trump oo hadda ka sheeganaya hadallada ka dhanka ah Soomaalida
- Runtime
- 2:43
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Title
- Trump oo $5 bilyan ka raba BBC isagoo dacwad ka gudbiyay, iyo BBC oo sheegtay inay iska difaacayso
- Runtime
- 1:28
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Madaxweyne Donald Trump ayaa gudbiyay dacwad sumcad-dil ah oo dhan $5 bilyan, taas oo ka dhan ah BBC, isagoo dacwadda ka furay gobolka Florida, kadib dokumenteri ay Panorama sameeysay oo la baahiyay sanadkii 2024.
Barnaamijka ayaa lagu adeegsaday muuqaallo laga soo qaatay khudbaddii Trump ee 6-dii Janaayo 2021, taas oo u muuqatay inay si toos ah ugu baaqayso falal rabshado ah oo ka dhacay Aqalka Capitol-ka.
Tafatirka muuqaalka ayaa isku daray weedho kala duwan si ay u abuuraan aragti ah inuu yiri “waan idinla jiri doonaa” iyo “si adag ayaan u dagaallamaynaa”, taas oo dhalisay sawir qalad ah.
BBC ayaa bishii hore raalligelin ka bixisay arrintaas, balse way diidday dalabyada Trump ee magdhowda ah. Dacwadda Trump ayaa BBC ku eedaynaysa inay si “ula kac ah oo khiyaano ah” u beddeshay khudbadda, iyadoo ujeedadu ahayd saameyn ay ku yeeshaan doorashooyinka Maraykanka.
- Title
- TOOS: idaacadda Subaxnimo
- Runtime
- 29:17
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- TOOS: idaacadda Subaxnimo
- Title
- Aabe iyo wiilkiisa oo la ogaaday inay ka dambeeyeen weerarkii lagu dilay yahuuda dabaal-degeysay
- Runtime
- 0:57
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Aabe iyo wiilkiisa oo la ogaaday inay ka dambeeyeen weerarkii lagu dilay yahuuda dabaal-degeysay
- Title
- Axmed: "Geesiga" ku dhiiraday inuu hubka ka qaado ninka soo weeraray Yahuud dabaal-degeysay
- Runtime
- 0:52
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Axmed: "Geesiga" Muslimka ah ee ku dhiiraday inuu hubka ka qaado ninka soo weeraray Yahuud dabaal-degeysay.
- Title
- Ganacsade $30,000 Ugu Deeqay Barakacayaal ay BBC Warbixin ka Sameysay
- Runtime
- 4:23
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Qoysas barakacayaal ah oo muddo soo waday in ay lacag iska ururiyaan, taas oo loo yaqaan “Ayuuto” ama hagbad, ayaa dhawaan bilaabay in ay dhul ku iibsadaan lacagtaas. Lacagta laga ururinayay qoysaska waxay ahayd mid ayuuto ah, waxaana bil walba qoys loogu iibinayay boos ku yaalla duleedka degmada Afgooye. Qoysaskan waxay ku tiirsanaayeen lacagta ay iska ururiyaan, taas oo marka qofka ay timaado waqtigiisa la siinayay.
BBC-da ayaa hore u booqatay qoysaskan, waxayna ka sameysay warbixin ku saabsan duruufaha ay ku nool yihiin, sababaha ku dhiirrigeliyay inay ka fikiraan iibsashada dhulka, iyo sida ay ugu suuragashay inay lacag intaas la eg ururiyaan.
Xilligaas, qoysasku waxay sheegeen in jidka kaliya ee lacagtaas lagu heli karo uu ahaa in qof kasta uu bixiyo lacag ayuuto ama hagbad ah bil kasta. Ganacsato Soomaaliyeed ayaa markii ay arkeen warbixinta BBC la xiriiray qoysaskan si ay uga caawiyaan.
Cabdinaasir Cali Adoon, oo ah ganacsade Soomaaliy...
- Title
- Weerarka lagu dilay Yahuud ku dabaal-degeysay xeeb ku taalla Australia.
- Runtime
- 0:46
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Title
- Daawo nin hawada sare uu barashuudkii ugu bixi waayay
- Runtime
- 0:42
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Daawo nin hawada sare uu barashuudkii ugu bixi waayay
- Title
- Masaajidda Minnesota Oo Maran: Cabsi Ka Dhalatay Hawlgallada ICE
- Runtime
- 4:23
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Cabsi baahsan ayaa ku faaftay Minneapolis iyo St. Paul ka dib markii ciidamada ICE lagu arkay wadooyinka, goobo waxbarasho iyo masaajidyo badan. Hadallada Madaxwayne Donald Trump ee ka dhan ah Soomaalida iyo joojinta TPS ayaa saameyn weyn ku yeelatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.
Sheikh Yusuf Abdulle oo ka tirsan IANA, hooyo Hodan Hassan, iyo culimada masaajidka Abubakar As-Saddiq ayaa ka sheekeynaya sida qoysas, caruur u baahan daryeel gaar ah, iyo goobaha cibaadadu ay u yihiin kuwa ugu badan ee arrintani saameysay.
Duqa Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in magaaladiisu aysan la shaqeyn doonin ICE, halka bulshada Soomaaliyeed ay weli isku dayayso in ay wajahaan xaaladda cusub ee ka dhalatay siyaasadda Trump.
🎤 Shuceyb Obsiiye
🎬 Abdinasir Ali
- Title
- Taageerayaal careysan ayaa kuraas iyo dhalooyin ku tuuraya garoon uu tagay Messi dalka Hindiya.
- Runtime
- 0:50
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Title
- Dal Dahab badan oo Sabool ah | BBC Somali
- Runtime
- 3:19
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Sierra Leone waxaa lagu yaqaannaa kheyraad dabiici ah oo fara badan, oo ay ka mid yihiin dheemanno iyo macdan bir ah. Sidoo kale waxaa ku jira kayd dahab ah, hase yeeshee sanadkii 2022, oo ah sanadkii ugu dambeeyay ee xog laga heli karo, dalkaasi wuxuu dhoofiyay kaliya 60 kiiloogaraam oo dahab ah.
Waxaa la rumeysan yahay in sababtaasi ay tahay in inta badan dahabka aan lagu qodin shirkado waaweyn, balse ay qodaan kooxo macdan-qodayaal yaryar ah, kuwaas oo inta badan ku shaqeeya xaalado halis ah oo sharci-darro ah. Balse, dal ay Qaramada Midoobay ku qiyaastay in boqolkiiba lixdan dadka ay ku nool yihiin saboolnimo, macdan-qodistu waxay u noqon kartaa il dhaqaale oo ay ku tiirsanaadaan.
Marka laga soo tago dadka waaweyn waxaa sidoo kale godadka u degaya carruur, arrintaas oo mararka qaarkood keenta khasaare naf-gooyo ah.
- Title
- Qof Soomaali ah miyaa kooxda ku jira? Trump oo mar kale ka hadlay Soomaaliya.
- Runtime
- 1:02
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Title
- Soomaaliya iyo Israa’iil maxay ka yiraahdeen in xiriir ka dhaxeeyo? | BBC Somali
- Runtime
- 3:05
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn u faafay warar sheegaya in xiriir uu dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Israa’iil.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Sharren Haskel, ayaa wareysi cusub ku sheegtay “in xiriir nooc ah uu jiro,” balse wey ka gaabsatay faahfaahinta.
Dhanka Soomaaliya, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar Balcad ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya aysan wax xiriir rasmi ah ama siyaasadeed aysan kala dhaxeyn Israa’iil, mowqifkooduna aanu isbeddelin.
🎤 Abdinasir Ali
🎥 🎬 Abdinasir Ali
- Title
- TOOS: Doodda Jimcaha
- Runtime
- 47:41
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- TOOS: Doodda Jimcaha
- Title
- Ciidamadda ICE maxey qabanjireen Trump ka hor?
- Runtime
- 1:07
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Title
- Ted Cruz oo markale ka hadlay Somaliland, isagoo su'aal galiyay in Mareykanku la yeesho wadashaqeyn
- Runtime
- 1:19
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Xilli lagu guda jiray dhageysi uu Senate-ka Maraykanka qabtay oo ku saabsan amniga badda ee Afrika, ayaa Senator Ted Cruz waxa uu Wasaaradda Arrimaha Dibedda waydiiyay sida Maraykanku u ballaadhin karo wada shaqaynta Somaliland, gaar ahaan meelaha la xiriira amniga badda iyo fulinta sharciga ee Geeska Afrika.
Ku jawaabista su’aashaas, waxaa qaatay, Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha ee Hay'adda Maandooriyaha Caalamiga ah iyo Fulinta Sharciga, Maggie Nardi, iyadoo sheegtay in hay’addu aanay haatan wax barnaamijyo ah ka wadin Somaliland. Waxay tilmaantay in shaqadooda gobolka ay u jeeddo dadaallada guud ee amniga badda, oo ay ku jiraan iskaashiga Jabuuti iyo hawlihii hore oo ay Soomaaliya la yeesheen.
Waxay intaas ku dartay in wixii iskaashi mustaqbalka ah ay u baahan doonaan qiimayn rasmi ah oo baahiyaha ah, isla markaana laga la tashado Xafiiska Arrimaha Afrika, mudnaanta ay u arkaan Somaliland.
- Title
- Siduu u dhacay weerarkii ay milateriga Mareykanka ku qabteen markab marayay xeebaha Venezuela
- Runtime
- 0:36
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Siduu u dhacay weerarkii ay milateriga Mareykanka ku qabteen markab marayay xeebaha Venezuela
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ku qabteen markab shidaal oo marayay xeebaha dalka Venezuela, taasi oo muujineysa inuu sii kordhayo ololaha cadaadiska Washington ee ka dhanka ah dowladda Nicolas Maduro.
“Waxaan hadda ku qabannay markab ku sugan xeebaha Venezuela – markab weyn, oo aad u weyn, waa kii ugu weynaa ee abid la qabto dhab ahaantii,” ayuu Trump u sheegay saxafiyiinta Aqalka Cad.
Xeer ilaaliyaha guud ee Pam Bondi oo sii daayay muqaal ku saabsan qabashada markabka ayaa ku tilmaamay markabka "markab saliid ceyriin ah waday oo loo isticmaali jiray in lagu soo raro saliidda cunaqabateyntu saaran tahay ee Venezuela iyo Iran"
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 56:42
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
Waxaa soojeedinaya: Liibaan Cabdi Warsame
Waxaa soo saaray: Cabdishukri Haybe
- Title
- 'Somaliland waa saaxiib muhiim u ah Mareykanka' - Ted Cruz
- Runtime
- 1:16
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Ted Cruz oo hoggaaminayay gal-dhagaysiga Senate-ka ee Guddiga Arrimaha Dibedda oo looga hadlayay Amniga Badda ee Afrika, ayaa si gaar ah u xusay doorka Somaliland ku leedahay ilaalinta Gacanka Cadmeed, la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedka, iyo ka hortagga saameynta Shiinaha ee gobolka.
- Title
- Ciidamada ICE ee Trump geeyay Minnesota sidee ayay u saameeyeen suuqyada Soomaalida?| Warbixin
- Runtime
- 5:09
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska lagana soo doorto gobolka Minnesota, xilli uu ka hadlayay isku soo bax ka dhacay Pennsylvania, shalay.
Ujeedka isku soo baxa ayaa ahaa dib u guulaysashada farriintiisii dhaqaalaha iyo hoos u dhigga kharashaadka wax iibsiga ee doorashooyinka dhexe ee la filayo inay Maraykanka ka dhacaan sannadka 2026.
Intii uu ka hadlayay isku soo baxa oo uu dhinacyo badan soo hadal qaaday ayaa waxaa sidii dhowaanahanba uu waday aan ka marnayn khudbaddiisa Soomaalida.
Barasaabka gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota Tim Walz ayuu ku tilmaamay mid kamid ah ''kuwii ugu xumaa'' ee taariikhda barasaabyada, halka xildhibaan Ilhaan Cumar uu ku tilmaamay ''naag xun'' kahor inta aysan dadkii isku soo baxay ku dhawaaqin iyaga oo isla jiibinaya ''dib u celiya''.
Waxa uu soo hadal qaaday xijaabkeeda oo uu k...
- Title
- Ma la socotaa in BBC Somali ay idiin kugu timi WhatsAppka?
- Runtime
- 2:27
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Ugu dambeyntii waxaan kusoo biirnay WhatsApp-ka inagoo halkaas ka sameysanay bog cusub, si aan idinkugu soo gudbino wararka iyo sheekooyinka xiisaha leh.
🎤: Kauthar Indho
🎥: Nasser
Halkaan uga soo biir: https://whatsapp.com/channel/0029Vb7CBbA0rGiHILXDlJ3u
- Title
- Daawo xilli diyaarad ay ku dhacaysay gaari
- Runtime
- 0:57
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Daawo xilli diyaarad ay ku dhacaysay gaari
Shilku wuxuu sababay burbur weyn oo ku faafay waddada, waxaana loo xiray gaadiidka inta ay socdeen howlaha gurmadka.
Haweeney 57 jir ah oo waday Camry-ga ayaa dhaawac fudud soo gaadhay, waxaana loo qaaday isbitaalka Viera.
Nasiib wanaag, duuliyihii 27-jir ahaa iyo rakaabkii diyaaradda waxay ka badbaadeen iyagoo aan wax dhaawac ah qabin.
- Title
- Real Madrid oo la garaacay xalay iyo Xabi Alonso oo weli shaqadiisu khatar ku jirto.
- Runtime
- 1:58
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Real Madrid oo la garaacay xalay iyo Xabi Alonso oo weli shaqadiisu khatar ku jirto.
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 35:11
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- Trump: "Waan jeclahay Ilhan Omar, wax walbuu magaceedu yahayba"
- Runtime
- 1:04
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska lagana soo doorto gobolka Minnesota, xilli uu ka hadlayay isku soo bax ka dhacay Pennsylvania, shalay.
Ujeedka isku soo baxa ayaa ahaa dib u guulaysashada farriintiisii dhaqaalaha iyo hoos u dhigga kharashaadka wax iibsiga ee doorashooyinka dhexe ee la filayo inay Maraykanka ka dhacaan sannadka 2026.
Intii uu ka hadlayay isku soo baxa oo uu dhinacyo badan soo hadal qaaday ayaa waxaa sidii dhowaanahanba uu waday aan ka marnayn khudbaddiisa Soomaalida.
Barasaabka gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota Tim Walz ayuu ku tilmaamay mid kamid ah ''kuwii ugu xumaa'' ee taariikhda barasaabyada, halka xildhibaan Ilhaan Cumar uu ku tilmaamay ''naag xun'' kahor inta aysan dadkii isku soo baxay ku dhawaaqin iyaga oo isla jiibinaya ''dib u celiya''.
Waxa uu soo hadal qaaday xijaabkeeda oo uu k...
- Title
- 'Waa nasiib daro in la yiraahdo magaaladu waa amni, oo doorasho xalaal ah ayaa ka dhacaysa'
- Runtime
- 28:54
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Labo todobaad oo kaliya ayaa inaga xigta waqtiga ay dhacayso doorashada tooska ah ee qof iyo cod ee golayaasha deegaanka ee caasimadda Muqdisho, waxayna noqonaysa markii ugu horreysay muddo ka badan konton sano oo doorashadaasi laga qabto gobolka Banaadir. Ururrada siyaasadda qaarkood oo uu ku jiro kan dawladda ayaa gudbiyay liisaska murashaxiintooda uga qaybgalaysa doorashada. Laakiin hoggaamiyaasha waaweyn ee mucaaradka ayaa qaadacay doorashadaas oo ay ku tilmaameen mid aan loo marin hannaankii saxda ahaa, iyagoo ku baaqay in dawladdu ku soo laabato xayndaabka sharciga ah.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa waraysi gaara la yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadda kamid ah hoggaamiyayaasha Gole la magac baxay Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta iyo Maamullada Puntaland iyo Jubaland.
Su’aasha ugu horeysa ee la weydiiyay Shariif waxay ahayd sababta aanay uga qaybgaleyn door...
- Title
- "Soomaaliya waa meel musiibo ah oo haddana wasakhaysan" - Trump iyo aflagaado hor leh
- Runtime
- 1:30
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska lagana soo doorto gobolka Minnesota, xilli uu ka hadlayay isku soo bax ka dhacay Pennsylvania, shalay.
Ujeedka isku soo baxa ayaa ahaa dib u guulaysashada farriintiisii dhaqaalaha iyo hoos u dhigga kharashaadka wax iibsiga ee doorashooyinka dhexe ee la filayo inay Maraykanka ka dhacaan sannadka 2026.
Intii uu ka hadlayay isku soo baxa oo uu dhinacyo badan soo hadal qaaday ayaa waxaa sidii dhowaanahanba uu waday aan ka marnayn khudbaddiisa Soomaalida.
Barasaabka gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota Tim Walz ayuu ku tilmaamay mid kamid ah ''kuwii ugu xumaa'' ee taariikhda barasaabyada, halka xildhibaan Ilhaan Cumar uu ku tilmaamay ''naag xun'' kahor inta aysan dadkii isku soo baxay ku dhawaaqin iyaga oo isla jiibinaya ''dib u celiya''.
Waxa uu soo hadal qaaday xijaabkeeda oo uu k...
- Title
- Toos Idaacadda Subaxnimo
- Runtime
- 30:26
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Toos Idaacadda Subaxnimo
- Title
- Toos Idaacadda Galabnimo
- Runtime
- 58:48
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Toos Idaacadda Galabnimo
- Title
- Sanad Kadib Assad: Maxaa Ka Socda Suuriya Maanta? | BBC Somali
- Runtime
- 2:41
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Maamulkii Assad, oo Syria ku xukumayay gacanta birta ah in ka badan 50 sano, wuxuu dumay hal sano ka hor. Dalka waxaa qabsaday Ahmad al-Sharaa, oo hore u ahaa jihaadi, haddase noqday madaxweynaha Syria.
Ololihiisa diblomaasiyadeed wuxuu dalal badan oo reer galbeed ah ku qanciyay in uu yahay rajada keliya ee dib u dejin karta dalkan dagaalku burburiyay. Muuqaalkan yar wuxuu qeyb ka yahay falanqayn uu sameeyay Tifaftiraha Caalamiga ah ee BBC, Jeremy Bowen, wuxuuna iftiiminayaa caqabadaha waaweyn ee horyaalla Ahmed al-Sharaa; laga bilaabo colaadaha kooxaha kala diinta ah ee Suuriya ka dhex socda iyo ilaa xiisadaha sii kordhaya ee kala dhaxeeya Israa'iil.
- Title
- Maxay Saylac xuddun ugu noqotay mushkiladda ka taagan Boorame?
- Runtime
- 1:49
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Xaalada Boorama ayaa deggan kaddib rabshado halkaas ka dhacay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay. Adeegyadii magaalada ayaa caadi ku soo laabtay.
Rabshadaha oo keenay khasaare dhimasho iyo burbur hantiba leh ayaa bilowday kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada iyo dadweyne ka careysan ogolaanshaha xukuumada Somaliland ee xaflada bugga xeerka Ciisaha.
Arrintaas waxay keentay in qabaa'ilka gobolak Awdal qaarkood ay kala sheegtaan magaalada qadiimiga ah ee Seylac, oo hadda ay dood cusub ka dhalatay.
- Title
- Daawo xilli CCTV ay duubtay dhulgariir tobanaan qof ay ku dhinteen uu ku dhuftay Japan
- Runtime
- 0:28
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii dhulgariir cabbirkiisu lagu qiyaasay 7.5 uu ku dhuftay waqooyi bari Japan habeennimadii Isniinta, kaasoo ku qasbay kumannaan qof inay guryahooda ka baxaan.
Dhulgariirku wuxuu dhacay 23:15 (14:15 GMT) meel qiyaastii 80km u jirta xeebta gobolka Aomori, sida ay sheegtay wakaaladda saadaasha hawada ee Japan. Waxay dhalisay digniinno tsunami ah.
Qaar ka mid ah adeegyadii tareennada ayaa hakad ku jira, kumannaan guri ayaa koronto la’aan ku noqotay.
Maamulka ayaa sidoo kale ka digay in gariir xoog leh uu dhici karo maalmaha soo socda – iyaga oo shacabka ugu baaqay in ay feejignaadaan ugu yaraan hal toddobaad, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
- Title
- BBC oo fashilisay rag dadka gowraca iyagoo xubnahooda u isticmaala sixir | Dabagalka BBC Africa Eye
- Runtime
- 1:33
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Baaritaan qarsoodi ah oo ay #BBCWorldService ka samaysay gudaha Sierra Leone ayaa fashiliyey dad sheeganaya inay qaybo ka mid ah jidhka bani’aadamka ku sameeyaan sixir. Xubnahan bini'aadamka oo lagu iibiyo kumannaan doolar ayaa loo adeegsadaa sixirka madow, iyada oo la rumaysan yahay inay dadka isticmaalaya u keeni karaan awood, guul ama maal.
Cabbirka dhibaatada iyo inta ay le'egtahay looma hubo si rasmi ah, balse dilal kala duwan ayaa si joogto ah looga soo sheegaa magaalooyin kamid ah Afrika iyo baraha bulshada ee guud ahaan qaaradda.
Kooxda dabagalka ee #BBCAfricaEye ayaa si qarsoodi ah u tagtay Sierra Leone si ay u baarto nin sheegtay inuu ka ganacsado howlahaan argagaxa leh.
Sheekada khiyaanada ah ee weriyaha #BBC adeegsaday ayaa ahayd inuu u baahan yahay in laga caawiyo qof loo gowraco si loogu adeegsado sixirka madow oo ujeedkiisuna yahay inuu ku gaaro guul siyaasadeed; ninkii codsigaas foosha xun laga dalbadayna wuxuu muujiyey diyaar...
- Title
- TOOS: Idaacadda Subaxnimo
- Runtime
- 23:54
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- TOOS: Idaacadda Subaxnimo
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 1:00:49
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- "Waxaan maqalnay warbixino walaac leh oo ka dhacay Soomaaliya..." Safiirka UK ee Xuquuqul insaanka
- Runtime
- 14:13
- Date posted
- 9 months ago
- Description
- Soomaaliya waxay ku jirtaa xilli adag oo ay isa soo tarayaan walaacyada caalamiga ah ee ku saabsan xuriyadda warbaahinta, amniga suxufiyiinta, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Dowladda UK ayaa ka digtay in weerarrada lagu hayo wariyeyaasha iyo xannibaadaha ku kordhay warbaahinta ay wiiqi karaan geeddi-socodka siyaasadeed iyo kalsoonida shacabka, iyadoo sheegaysa in xilliga kala guurka siyaasadeed uu dalbanayo feejignaan gaar ah iyo nidaamyo leh ilaalin xooggan.
Wareysigaan gaarka ah waxaan arrimahan kala hadalnay Eleanor Sanders, Danjiraha UK u qaabilsan xuquuqda aadanaha oo soo booqatay Muqdisho.
🎤 Maxamuud Cabdicasiis
🎥 🎬 Maxamuud Cabdicasiis
- Title
- BBC oo dowladda Soomaaliya kala hadashay arrinta baasaboorka Ramla Cali
- Runtime
- 1:27
- Date posted
- 10 months ago
- Description
- BBC oo Dowladda Soomaaliya kala hadashay arrinta "baasaboorka Ramla Cali"
Feedhyahannada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa muuqaal ay ku baahisay barteeda Tiktok ku sheegtay in ay Dowladda Maraykanka u diiday dalku gal ay kaga qayb gali lahayd barnaamij si toos ah looga daawan doono Netflix oo ay kasoo qaybgalayaan feedhyahanno caan ah.
Ciyaarta ugu culus ayayna dhex mari doontaa feedhyahankii caanka ahaa ee hore ee labada jeer ku guuleystay biladda feedhka culus Anthony Joshue oo 36 sanno jir reer Biritan ah iyo Youtuberka isku beddelay feedhyahanka Jake Paul.
Ciyaartan ayaana ka dhici doonta golaha ciyaaraha ee Kaseya oo ku taala Miami.
Ciyaarta oo si toos ah looga daawan doono Netflix, wuxuu dhici doonaa 19ka December, waxaana uu ka koobnaan doonaa siddeed wareeg, midkiiba saddex daqiiqo.
Ramla, oo muuqaal ay duubtay ku hadlaysay, waxay sheegtay in booqashadeedii dhowaan ee Soomaaliya ay sabab u noqotay in laga hor istaag...
- Title
- "Waxwalba uu dhiiga dadkaygu ku baaqanayo diyaar ayaan u ahay" - Madaxweynaha Somaliland
- Runtime
- 1:06
- Date posted
- 10 months ago
- Description
- Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli mudaharaad lagaga soo horjeedo go'aan ay Xukuumadda Somaliland ku fasaxday qabashada Xaflad lagu soo bandhigayo buug ka hadlaya Xeerka Ciisaha, ay ka dhaceen Magaalada Boorama ee xaruunta gobolka Awdal.
Dadweyne ka gadoodsan go'aankan, ayaa isugu soo baxay waddooyinka Magaalada,halkaas oo ay jidadka taayiro ku gubeen, iyaga oo waddooyinka qaarna xidhay.
Dadkan Mudaharaadayey, ayey isku dhaceen Ciidanka Booliska, iyada oo isku dhacu sababay dhimashada hal qof iyo dhawaaca dad gaadhaya 10 qof, sida uu BBC-da u xaqiijiyey Dr. Sahal Axmed oo ah Agaasimaha Isbitaalka Boorama.
Sidoo kale, Dadka mudaharaadayey ayaa waxyeello gaadhsiiyey Xarumaha Dawladda qaarkood oo uu ka mid yahay xaruunta Banka dhexe.
Maamulka Gobolka Awdal iyo Laamaha ammaanka ayaan weli ka hadal mudaharaadkan rabshadaha watay.
- Title
- Isu soo bax looga soo horjeedo hadallada Trump oo Muqdisho ka dhacay
- Runtime
- 3:07
- Date posted
- 10 months ago
- Description
- Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay isu soo bax kooban oo ay shacabka Soomaaliyeed uga dhiidhiyeen hadalladii dhowaan kasoo yeeray Donald Trump ee lagu sheegay inay si gaar ah uga dhan yihiin Soomaalida Mareykanka ku nool.
Dadka mudaharaadayay ayaa ka muujiayay caro, cabsi iyo welwel ku saabsan saameynta hadalladan ay ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibaddaba.
🎤 Maxamuud Cabdicasiis
🎥 🎬 Maxamuud Cabdicasiis
- Title
- Diimaha kala duwan ee Minnesota oo taageero u muujiyay Soomaalida.
- Runtime
- 2:49
- Date posted
- 10 months ago
- Description
- Diimaha kala duwan ee reer Minnesota, sida Islaamka, Kiristanka iyo Yahuudda oo taageero u muujiyay Soomaalida.
Bulshooyinka kale ee aan Soomaalida aheyn ee ku nool gobolka Minnesota, ee dalka Mareykanka ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee isla gobolkaasi u muujiyay garab istaag kadib markii dhawaanahaan madaxweyne Trump uu si is daba joog ah ugu eedeyay in ay yihiin dad dhibaato iyo wax isdaba marin ku haya gobolkaas isla markaana aan waxba ku soo kordhin.
Wuxuu sheegay Trump in Soomaalida aan looga baahneyn dalkiisa, isagoo ku tilmaamay "qashin". Arrintaan ayaa keentay in Soomaalidu ay dareemaan culeys gooni ah, taasoo keentay in bulshooyinka kale iyo mas'uuliyiinta gobolka ay taageero u muujiyaan Soomaalida.
Bulshada Soomaalida ayaa iyaguna sheegay in ay ku faraxsanyihiin sida loo garab istaagay xilligaan oo ay wajahayaan caqabado kala duwan.
- Title
- TOOS: Doodda Jimcaha
- Runtime
- 59:49
- Date posted
- 10 months ago
- Description
- TOOS: Doodda Jimcaha
- Title
- Trump Soomaalida maxaa ku diray? | Wareysi Gaar ah - BBC Somali
- Runtime
- 17:03
- Date posted
- 10 months ago
- Description
- Muuqaalkan waa wareysi gaar ah oo aan la yeelanay Prof. Libaan Cabdullaahi Cigaal, muwaadin Maraykan ah iyo bare hore oo ka tirsanaa jaamacadda George Mason University.
Waxaan kaga hadalnay sababta uu Madaxweyne Trump hadallo kulul ugu jeedinayo Soomaalida, halka uu khilaafku ka soo bilowday iyo sida ay u arkaan Soomaalida ku nool Mareykanka.
Prof. Cigaal wuxuu sharaxayaa:
– sababta Soomaalida loogu tilmaamay bartilmaameed siyaasadeed
– doorka Minnesota iyo bulshada Soomaalida ee qurbaha
– waxa dhici kara haddii Trump fuliyo qorshihiisa ku saabsan ka-saarista TPS ama adkeynta socdaalka
Waa wareysi aad u faahfaahsan oo lagu falanqeynayo xiriirka Soomaaliya, Soomaalida Maraykanka iyo siyaasadaha cusub ee Trump.
🎤 Xasan Sheekh Cumar
🎥 🎬 Abdinasir Ali
- Title
- Jacob Frey oo la weydiyay sababta uu Trump u bartilmaameedsanaayo Minnesota?
- Runtime
- 2:12
- Date posted
- 10 months ago
- Description

