BBC News Somali
Garoonka Muqdisho: Meel mar noqotay saldhig ciidan haddana martigalisay Okocha, Eto iyo Adebayor
- Title
- Garoonka Muqdisho: Meel mar noqotay saldhig ciidan haddana martigalisay Okocha, Eto iyo Adebayor
- Runtime
- 2:33
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Garoonka Muqdisho waxa uu in ka badan labaatan sano ahaa meel dagaal laga abaabulo halkii uu ka ahaan lahaa meel ciyaaro lagu qabto. Laga bilaabo 1991, markay colaadu ka qaraxday Soomaaliya, ciidamada Maraykanka iyo kuwa ka danbeeyay ba waxay u beddeleen garoonkan saldhig ciidan. Waxa uu marti geliyay Al-Shabaab, AMISOM iyo ciidamo kale oo shisheeye.
Laakiin dhawaan, ciyaar ay kasoo qayb galeen halyeeyada Afrika ee Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha ayaa calaamad u noqotay dib u dhalashada garoonkan.
Muuqaalkaan waxa uu wariyaha BBC Somali, Abdinasir Ali ku dulmarayaa isbeddelka taariikhiga ah ee uu garoonkan soo maray.
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 1:00:07
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 59:53
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- Maxay u yimaadeen xidigaha Africa ee Muqdisho lagu soo dhaweeyey? | Samuel Eto, Okocha iyo Adebayor
- Runtime
- 2:24
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Magaalada Muqdisho waxa soo gaarey ciyaartoy horey caan uga ahaa qaaradda Afrika iyo caalamkaba oo hadda qaarkood ay xilal sare ka hayaan xiriirrada Afrika iyo kan aduunka ee FIFA.
Ciyaartoydaas oo ay ku jiraan xiddigii hore ee xulka Cameroon, haddana ah madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee dalkiisa Samuel Eto'o, ciyaaryahankii hore ee Togo Emmanuel Adebayor iyo xiddigii hore reer Nayjeeriya Jay-Jay Okocha ayaa qayb ka ah socdaal lagu qiimeynayo suurtogalnimada in Soomaaliya ay marti geliso ciyaaraha caalamiga ah.
Xiddigahan oo magac iyo maamuus ku dhex leh ciyaaraha kubadda cagta Afrika, ayaa inta ay Muqdisho joogaan u kuurgeli doona garoomada iyo xarumaha ciyaaraha ee dalka, waxayna durba ka qaybgaleen ciyaar lagu maamuusayey imaanshahooda oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Mogadishu Stadium.
Ciyaartan oo dhex martay labo oo ka koobnaa ciyaaryahanno horay ugu soo ciyaaray Soomaaliya iyo qaar ka mid ah kooxaha dalka, iyo xiddigahan hore ee...
- Title
- 'ONLF walaac iguma hayso inay duurka ku noqdaan... Cabdi soo deyntiisa, go'aan sax ah uma arko'
- Runtime
- 59:06
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa si furan ugala hadlay BBC-da arrimo culus oo dhowaanahan dareenka bulshada kiciyey. Wareysiga waxaa lagu soo qaaday suuragalnimada ay ONLF mar kale hubka ku qaadan karto, iyadoo Mustafe sheegay inuusan cabsi ka qabin in ururku dib ugu laabto duurka.
Waxa kale oo uu si toos ah uga hadlay eedeymaha la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo caburinta saxaafadda—kuwaasoo uu ku tilmaamay qaar xaqiiqo sal ah leh iyo qaar siyaasadaysan.
Waxaa kale oo wareysiga lagu waydiiyey su’aalo adag oo ku saabsan dadka loo xidhay faallooyin Facebook ah, taasoo uu Mustafe si cad u qirtay inay dhacdo.
Waxa uu kaloo faahfaahin ka bixiyey mowqifkiisa ku aaddan sii daynta Cabdi Maxamuud, madaxweynihii hore ee deegaanka, isaga oo sheegay inuusan go’aankaas wax talo ah ku lahayn, oo uusan u arkin inay ahayd tallaabo sax ah.
Ugu dambeyntii, waxa uu ka jawaabay wararka shee...
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 1:00:06
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- 'Waxaan ku sigtay inaan nafteyda dilo, hadda se waxaan caawiyaa hooyooyinka la tacaalaya qulubka'
- Runtime
- 2:03
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Dalalka dakhligoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka yahay — sida Indonesia, Shantii haweenba hal ka mid ah ayaa la kulanta niyad-jab ama welwel muddada umusha ay ku jirto.
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 1:00:21
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- TOOS: Doodda Jimcaha
- Runtime
- 1:00:19
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Doodda Jimcaha
- Title
- Kanu, waa kuma xidigga Africa ee ka qayb-galay xuskii 18-ka May ee Somaliland?
- Runtime
- 2:58
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Kanu, waa kuma xidigga Africa ee ka qayb-galay xuskii 18-ka May ee Somaliland?
- Title
- Bisad la qabtay iyadoo daroogo galinaysa xabsi ku yaal Costa Rica
- Runtime
- 0:33
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Bisad la qabtay iyadoo daroogo galinaysa xabsi ku yaal Costa Rica
- Title
- TOOS: Idaacadda Subaxnimo
- Runtime
- 30:05
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Soojeediye: Xasan Sheekh Cumar
Soosaare: Abdishukri Haybe
- Title
- Dood ku dhex martay Trump iyo Ramaphosa Aqalka cad.
- Runtime
- 1:28
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii ka hor yimid dhiggiisa Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Xafiiska Aqalka Cad, isagoo u jeediyay eedeymo si weyn loo beeniyay oo sheegaya in dadka cadaanka ah ee Koonfur Afrika lagu hayo xasuuq.
Trump ayaa sheegay in beeraley cadaan ah ay "ka cararayaan Koonfur Afrika", isagoo sidoo kale u daawiyay dadkii kulanka joogay muuqaal muujinaya dad ku dhawaaqaya: "Dil Boer-ka, dil beeraleyda."
Mr. Ramaphosa oo ka jawaabaya, wuxuu cambaareeyay hadalladaas nacaybka ah, isagoo ka horyimid sheegashada ah in dadka cadaanka ah lagu dhibaateynayo Koonfur Afrika.
- Title
- Beesha caalamka oo loogu baaqay in aysan cidleyn Soomaaliya.
- Runtime
- 4:02
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 1:00:06
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- Shinbiro tabobaraha reer Masar. #bbcsomali
- Runtime
- 1:02
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Dhexda buuqa iyo saxmada jidadka Qaahira, Cabdilraxmaan Ismaaciil wuxuu ku socdaa mooto uu wato, waxaana dul heehaabaysa qooleydiisa cad. Shimbirtaas oo la yiraahdo Bondk ayaa si xor ah ugu duusha agagaarka mulkiheeda, maadaama la tababaray tan iyo markii ay dhalatay 18 bilood ka hor.
- Title
- Waa sidee xaaladda carruurta Qasa ee aagga dagaalka lagu celiyay
- Runtime
- 3:05
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Niveen waa 7 bilood jir waxayna dhowaan martay qalliin wadaha ah si loo xidho dalool yaalay wadnaheeda. Waxay ka mid tahay 17 carruur Falastiiniyiin ah oo dhawaan ku soo laabtay Qasa kadib markii ay daryeel caafimaad ka heleen Urdun. Qoysaskoodu waxay ku eedeynayaan Urdun in carruurta dib loogu soo celiyay aagga dagaalka iyadoo aan daawayntoodii la dhamaystirin, waxayna leeyihiin carruurtu ma noolaan doonaan. Mas’uuliyiinta Urdun waxay sheegayaan in soo noqoshadooda kadib daaweynta ay ahayd qorshe hore loo dejiyay.
- Title
- Ibrahim Traoré: Sida uu ku noqday hoggaamiyaha Afrika ugu caansan
- Runtime
- 6:51
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Ibrahim Traoré wuxuu xukunka Burkina Faso qabsaday sanadkii 2022 isagoo 34 jir ah. Tan iyo markaas, wuxuu noqday magac shaacsane ah oo Afrika dhamaan laga wada yaqaano. Hogaamiye diiday gumeysiga cusub, xiriirkii Faransiiska jaray, oo Ruushka Afrika kusoo dhaweeyay.
Dad badan ayaa Ibrahim Traoré u arka ruuxdii Thomas Sankara oo dib u dhalatay, kuwo kalena waxay ku tilmaamaan halyeyga Afrika.
Muxuu sameeyay oo uu ku mutay amaantaas? Maxaa ka dambeeya taageeradiisa baaxada leh? Maxay se tahay sababta dhallinyarada Afrika ugu arkaan rajo cusub?
Muuqaalkan waxaa soo jeedinaya Abdinasir Ali, waxaana ku eegi doonaa:
00:00 Sida Traoré uu xukunka ku qabsaday
01:05 Maxaa caan ka dhigay Ibrahim Traoré?
01:48 Dhaqaalaha iyo qaramaynta macdanta
02:51 Baraha Bulshada iyo suuqgeynta loo sameeyay Traoré
05:55 Mustaqbalka u yaal Burkina Faso
#ibrahimtraoré #burkinafaso #african #panafricanism #thomassankara #tra...
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 1:00:47
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 1:00:35
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- Waa muuqaalka 10 maxbuus oo xabsi ka baxsaday iyagoo adeegsaday darbiga suuliga oo ay jabiyeen
- Runtime
- 0:30
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Waa muuqaalka 10 maxbuus oo xabsi ka baxsaday iyagoo adeegsaday darbiga suuliga oo ay jabiyeen
- Title
- Waa maxay shanta arrin ee Trump ka dalbaday hoggaamiyaha Suuriya Axmed Al Sharac?
- Runtime
- 3:09
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Waa nin soo jiidasho leh oo adag. Sidaas ayuu Madaxweynaha Trump u qeexay hogaamiyaha Suuriya, isla markaana wuxuu ka dalbaday inuu saxiixo Heshiisyada Abraham. – Sharaac ayaa ahaa nin markii hore lagu tilmaami jiray inuu yahay argagixiso, haddase la sumcad bedelay.
Kulankii taariikhiga ahaa ee dhexmaray isaga iyo Donald Trump safarkiisii khaliijka, ayuu kaga dalbaday shan arrimood. Haddaba maxay yihiin?
Waxaa soo jeedinaya Abdinasir Ali.
- Title
- TOOS: Doodda Jimcaha
- Runtime
- 1:01:37
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Doodda Jimcaha
- Title
- Gabar caan ka ahayd baraha bulshada ayaa lagu dilay toogasho iyadoo live tiktok ku jirta.
- Runtime
- 0:57
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Gabar caan ka ahayd baraha bulshada ayaa lagu dilay toogasho iyadoo live tiktok ku jirta.
- Title
- Xildhibaan ka tirsan Kongareeska Mareykanka ayaa dhex seexday baarlamaanka xili uu kulan socday
- Runtime
- 0:34
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Xildhibaan ka tirsan Kongareeska Mareykanka ayaa dhex seexday baarlamaanka xili uu kulan socday
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 1:00:19
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- BBC oo xaqiijisay CCTV muujinaysa xili Israa'iil duqeyn ku beegsatay Isbitaal ku yaala Qasa.
- Runtime
- 2:04
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- BBC oo xaqiijisay muuqaalka CCTV muujinaysa xili ay Israa'iil duqeyn ku beegsatay Isbitaalka ku yaala koonfurta Qasa.
- Title
- Carruurta Qasa oo gaajo u dhimanaya go'doominta Israa’iil ay saartay awgeed
- Runtime
- 1:51
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Carruurta Qasa oo gaajo u dhimanaya go'doominta Israa’iil ay saartay awgeed
- Title
- Israa’iil ayaa duqeyn ku dishay ugu yaraan 28 qof oo ku jiray gudaha isbitaal ku yaala Qasa
- Runtime
- 3:48
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Ugu yaraan 28 qof ayaa Talaasadii ku dhintay duqayn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay dhisme isbitaal oo ku yaalla koonfurta Qaza.
Hay'adda difaaca madaniga ah ee Xamaas ayaa sheegtay in 6 gantaal ay isku mar ku dhufteen cisbitaalka reer Yurub ee Khan Younis.
Sida laga soo xigtay millatariga Israel, tillaabooyin badan ayaa la qaaday si loo yareeyo khasaaraha rayidka; waxay sheegtay in goobtu ay tahay xarun taliska Xamaas.
Weriye madax-bannaan oo BBC-da wax uga duubayay isbitaalka ayaa dhaawac soo gaaray, waxaana lala tacaalayaa xaaladiisa caafimaad. Warbixintan Fergal Keane ayaa soo diray.
Waa kan Aden Maxamed Cabdi Saalamiin oo soo jeediya
- Title
- Shacabka Suuriya oo u dabaal degaya go'aankii madaxweynaha Mareykanka uu uga qaaday cunaqabateynta.
- Runtime
- 0:59
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 43:33
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Title
- Dal hodan ah oo dadkiisu saboolnimo ku nool yihiin - DR Congo
- Runtime
- 3:13
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Telefoonkaaga casriga ah, saacadaada, kumbuyuutarkaaga laptop-ka
Iyo waxyaabaha kale ee maalinlaha loo isticmaalo sida qalabka qoraxda ku shaqeeya ee solarka, baabuurta korontada iyo diyaaradaha lagu safro.
Xitaa badanaa siliska iyo dhagaha qaaliga ah ee gabadhaada aad u hadyeysid.. dhamaantood, intaas oo shay hal wax oo ay wadaagaan baa jira.?
Waxaa jirta suurto galnimo sare oo ah in ay ka samaysan yihiin walxo laga keenay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo – mid ka mid ah dalalka ugu hodansan dhanka kheyraadka dabiiciga ah dunida.
DRC (Congo) waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo aad u fara badan, oo ay ka mid yihiin macdano waaweyn sida coltan, kobalt, naxaas, dhagxaanta qaaliga ah iyo dahab.
Dalkaan bartamaha Afrika ku yaal waa soo saaraha ugu weyn ee kobalt waxaana uu haystaa in ka badan kala bar kaydka kobalt ee dunida ilaa hadda inta la ogyahay.
Waxaa soo tabinaya wariyaha BBC Somali, Abdinasir Ali.
- Title
- Saddex arrimood ka ogow muuqaalka cusub ee Grand Theft Auto 6 | GTA VI
- Runtime
- 1:01
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Waxaa si weyn u faafay xayaysiis cusub oo GTA 6 laga soo sameeyay, isagoo helay boqolaal milyan oo daawasho ah muddo 24saac ah.
Shirkada Rockstar Games ayaa sii daaysay muuqaalkan labaad kadib markii ay shaaciyeen dib u dhac ku timid soo saarista game ka oo soo baxay bisha May 2026.
Taageerayaasha GTA-ga, ayaa aad ugu hamuun qabay soo bixitaanka qeybtan lixaad iyadoo qeybtii 5aad ee gameka oo la sameeyay 12 sano ka hor ay noqotay ciyaarta labaad ee ugu iibka badan abid dunida waxay soo xareysay $8.5bn, halka minecraft oo kaalinta koowaad ay soo xaraysay ku dhawaa $10bn.
Falanqeeyayaal ayaa saadaalinaya in dib u dhaca sanadkan ku yimi gameka uu yeelan karo saameyn dhaqaale oo weyn oo ku dhacda suuqa ciyaaraha oo sanadkii 2024-ta keenay dakhli dhan $188 bilyan.
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 1:01:02
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
Nimaan Osman
- Title
- Nin dhintay oo maxkamad ka dhex hadlay isagoo AI ah
- Runtime
- 1:36
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Nin dhintay oo maxkamad ka dhex hadlay isagoo AI ah
- Title
- Mucjisooyinka iyo halista Amazon: Safar layaab leh oo galeen 3 saynisyahan oo dumar ah
- Runtime
- 11:08
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Waa muuqaal ay samaysay BBC 100 Women oo safar la gashay saddex saynisyahan oo dumar ah laga bilaabo buuraha Uganda, baraflayda Ameerika ilaa kaymaha Amazon-ka Peru. Waa xog ururin iyo cilmi-baadhis nololeed oo caawin karta la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.
- Title
- Todobaadka kala baxa kooxaha tagaya tartamada Yurub horyaalka Ingiriiska.
- Runtime
- 2:21
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Title
- "Wax noo badbaaday ma laha ciyaalkii un baan kala baxnay" - Shacabka Muqdisho oo la hadlay BBC
- Runtime
- 3:03
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Waxaa wali soo baxaya khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay geysteen roobab xooggan oo fiidnimadii jimcaha ilaa subaxnimadii sabtida ka da'ayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Roobabka oo saacado badan da'ayey ayaa dhaliyey daadad xooggan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo waxyeello soo gaartay jidadka magaalada qaarkood.
Inta badan goobaha ay deggan yihiin dadka danyartaa ayey saamaynta ugu badan gaartaa xilliyada roobabka noocaan oo kale ay ka da'aan magaalada Muqdisho kuwaas oo deggan goobo ka samaysan jiingado iyo dhismayaal nugul.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Raysal Wasaare ku xigeenka Labaad ee xukuumada Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jibriil Cabdirashiid oo hoggaaminayey guddi ka kooban heer wasiirro, gobol iyo hey'adda SoDMA, kuwaas oo uu magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey qaar ka mid ah goobihii ay saameynta ku yeesheen rooba...
- Title
- TOOS: Doodda Jimcaha
- Runtime
- 1:01:17
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Doodda Jimcaha
- Title
- Daawo: muqaalka gabar yar oo ka mid eheyd kumanaan laga masaafuriyay Pakistan oo aad u faafay.
- Runtime
- 1:22
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Title
- Doodda Jimcaha: Qodobbada ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaran
- Runtime
- 0:31
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Doodda Jimcaha: Qodobbada ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaran
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 1:42:40
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
Soo-jeediye: Liibaan Cabdi Warsame
- Title
- Baasaboorada dunida ugu awoodda badan.
- Runtime
- 2:01
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Title
- Markii uu khaldamay Qiica astaanta u ah doorashada Pope ka cusub.
- Runtime
- 1:06
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Title
- Ka haridda Arsenal ee Champions League maxay uga dhigan tahay Arteta?
- Runtime
- 2:50
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Ka haridda Arsenal ee Champions League maxay uga dhigan tahay Arteta?
- Title
- Barcelona vs Arsenal: Barcelona waa u waayo-aragnimo, Inter na waa u guul ay kadeed ku heshay
- Runtime
- 2:36
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Falanqeynta ciyaartii ay guul darrada kala kulantay Barcelona, ee ay sida kadeedka ah ugu soo baxday Inter Milan. #barcelona #inter #interfc #ciyaaraha #bbcsomali
- Title
- Xiisad ba'an ayaa ka dhex taagan Hindiya iyo Pakistan.
- Runtime
- 1:04
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Title
- TOOS: Dunida iyo Maanta
- Runtime
- 1:00:25
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- TOOS: Dunida iyo Maanta
Soo-jeediye: Nimcaan Cismaan
Soo-saare: Abdishukri Haybe
- Title
- Qasa oo hilibka qubada laga cunayo gaajo aawadeed.
- Runtime
- 1:08
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Qasa oo hilibka qubada laga cunayo gaajo aawadeed.
- Title
- Abaartii way ka hartay Harry Kane, ugu danbeyn wuxuu qaaday koobkiisa koowaad.
- Runtime
- 2:07
- Date posted
- 1 year ago
- Description
- Abaartii way ka hartay Harry Kane, ugu danbeyn wuxuu qaaday koobkiisa koowaad.

